Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Shil diyaaradeed oo ka dhacay Nairobi iyo qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay

Arbaco– 06-March,-2024-{HMC} Shil diyaaradeed ayaa ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana ku dhintay labo qof oo kala ahaa arday duuliye ah iyo tababarihiisa.

Diyaarad yar oo ay la socdeen labada qof ee geeriyootay ayaa ku dhacday diyaarad rakaab ah oo dul mareysay magaalada Nairobi.

Diyaaradda badbaaday waxaa la socday rakaab dhan 44 qof oo 5 ka mid ah ay yihiin shaqaalihii diyaaradda, waxaana iyagoo bad-qaba dib loogu celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi.

Diyaaradda burburtay waxaa lahaa Iskuul lagu barto duullimaadka, waxayna ku dhex burburtay Beerta Qaranka ee Nairobi, halkaas oo laga helay meydka labada qof iyo burburkii diyaaradda.

Diyaaradda rakaabka ee Safarilink ayaa dib ugu laabatay garoonka Wilson ee magaalada Nairobi, waxaana la sheegay inay u socotay magaalada xeebta ku taalla ee Diani oo isla dalka Kenya ka tirsan.

Duuliyaha nool ee waday labada diyaaradood ee isku dhacday midii rakaabka siday ee badbaaday ayaa ka sheekeeyey sida uu shilkaasi u dhacay, wuxuuna sheegay in diyaaradda uu waday ay mar qura la kulantay “jug weyn” wax yar kadib markii ay ka kacday garoonka.

Diyaarada Cessna oo uu maamulo iskuulka duulimaadyada ee Ninety Nine ayaa ku burburtay beerta xaywaanada oo qiyaastii 10 KM u jirta garoonka ay ka kacday diyaaradda rakaabka siday.

Hay’adda duulista rayidka ee Kenya ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in shilku uu dhacay abaare 10:05 xilliga maxalliga ah Talaadadii maanta, isla markaana ay socdaan baaritaano ku saabsan shilkaas.

Waaxda shilalka hawada iyo booliska ayaa qoraalka lagu sheegay inay bilaabeen baaritaan ku saabsan sababta shilkaas galaafta nolosha labo qof iyo diyaarad yar oo laga lahaa iskuulka tababarada duulimaadyada Kenya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA