Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaalida oo si ka fudud sidii hore ku doonto VISA-ha Hindiya

Arbaco– 06-March,-2024-{HMC} Tan iyo markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa adkaatay in dadka Soomaaliyeed ay helaan Fiisaha ama dal ku galka Hindiya, maadaama qofka Soomaaliga ah uu tegi jiray Addis Ababa, si halkaas uu uga dalbado dal ku halka Hindiya.

Kumanaan qof oo Soomaali ah ayaa bil kasta arrimo caafimaad u aada wadanka Hindiya, dowladda Hindiya safaarad kuma laha Muqdisho, taas ayaa sababtay culeyska dadka Soomaaliyeed ay ku qabaan inay helaan fiisaha Hindiya.

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku foogan tahay sidii dadka Soomaaliyeed loogu fududeyn lahaa inay si sahlan ku helaan dal ku galka Hindiya, kadib kulan Muqdisho ku dhexmaray masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiil ka socota dalka Hindiya.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Xamse Aadan Xaadow ayaa idaacadda BBC u sheegay in dowladda Hindiya ay kala hadleen sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu fududayn lahaa dal ku galka Hindiya iyo inay yeeshaan iskaashi dhinacyo badan ah.

“Caafimaadka waa howl horey u socotay, qaabkii loo casriyey lahaa iyo qaabkii ay safaaradooda uga furan lahaayeen Muqdisho, dadkuna ay fisaha Soomaaliya uga qaadan lahaayeen, arrimahaas ayaa ku jirtay wadahadalka,” ayuu yiri xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Soomaalidu waxay ku jirta dadka ugu badan dunida ee arrimaha caafimaadka u taga dalka Hindiya, balse Safaarad iyo Qunsliyad toona kuma lahan Soomaaliya, taasi waxay qofka Soomaaliga ah ku kaliftay in wadan kale uu dal ku galka Hindiya ka sii qaato.

Dadka Soomaaliyeed ee caafimaadka u aadaya Hindiya sababta ay Addis Ababa uga sii dalba jireen fiisaha Hindiya waa in dalka Itoobiya ay Soomaalidu ku tegi karto fiisa la’aan, halka Kenya qofka Soomaaliga ah laga doonayo inuu fiise ku galo.

Dadka caafimaadka u socda markii ay fiisaha Kenya Nairobi ku tagaan, waxay sii dalbadaan fiisaha Hindiya, taas oo dhibaato ku ah qofka bukaanka ah, maadaama labo dal ku gal uu raadsanayo, waqti badana uu uga baxayo.

Hadda waxaa la sheegay in dhanka Itoobiya uu culeys ka yimid oo dadkii fiisaha Hindiya ka sii dalba jiray Addis Ababa ay waayahaan dambe waayeen, lamana oga in hakadkaas uu sababay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya u dhaxeeya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA