Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya iyo Turkiga oo ka wada hadlay iskaashiga dhinaca tamarta

Arbaco March 6, 2024 {HMC} Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga, Alparslan Bayraktar iyo Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta ee Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay iskaashiga dhanka tamarta ee labada dal.

Mr Bayraktar waxa uu Wasiirka batroolka iyo macdanta Cabdirisaaq Cumar ku qaabilay wasaaraddiisa oo ku taal caasimadda Ankara.

Kulanka intii uu socday waxay isla soo qaadeen talaabooyinka lagu horumarin karo iskaashiga laba geesoodka ah ee dhanka tamarta. Waxay sheegeen in labada dal ay sii wadi doonaan dadaalka ku aadan sidii iskaashiga dhanka tamarta u gaarsiin lahaayeen heer wanaagsan.

Dalka Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ayaa maalgeliyay waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka Soomaaliya, waxaana uu siiyay kaalmo bini’aadantinimo oo ballaaran.

Dhawaan labada dal waxay kala saxiixdeen heshiis weyn oo ah iskaashiga difaaca badda ah. heshiiskaas ayaa Soomaaliya ka caawinaya sugidda ammaanka xeebaha dalka.

Dowladda Turkiga ayaa haatan safaaradda ugu weyn ee Afrika ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana ay sidoo kale halkaasi ka dhistay xaruntii ugu weyneyd ee tababarka ciidamada qaranka Soomaaliya.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA