Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasaaraada Gaadiidka iyo Duulista hawada oo ka hadashay xayiraadii garoonka Aadan Cade.

Arbaco March 6, 2024 {HMC} – Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku raali gelineyso dadkii maanta ku xayirmay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna wasaaraddu faahfaahisay sida ay wax u jiraan.

Waxaa lagu sheegay qoraalka wasaaradda in sanadkii 2022 ay heshiis lagu saxayo qaladaadka ka jira duulimaadyada ay wasaaraddu la gashay shirkadaha diyaaradaha dalka, halkaas ayuu ka soo bilowday qorshaha cusub ee wasaaraddu la timid.

Qoraalka wasaaradda ayaa lagu sharaxay qaladaad si maalinle ah uga dhaca shirkadaha diyaaradaha qaada dadweynaha u safra gobollada dalka, halka wasaaradduna ay raadisay wadiiqo lagu sixi karo qaladaadkaas, sida lagu sheegay qoraalkaan.

“Si loo saxo qaladaadka dhaca wasaaraddu waxay sameysay system casri ah, kaas oo shirkadaha diyaaradaha farayaya:

1- In System-ka ay ku soo gudbiyaan nooca diyaaradaha ay isticmaalayaan, si loo xaqiijiyo in shirkaddu ay heysato diyaarad badqabta oo rakaabka ay ku qaadi karto, sidoo kalena loo xadido tirada tikidhada ay diyaarad kasta qaadi karto.

2- Inay System-ka ku soo gudbiyaan xogta rakaabka ay qaadayaan, si hey’adaha amnigu u hubiyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Sidoo kale wasaaradda ayaa shacabka Soomaaliyeed u sheegtay in qabadii maanta ay ka dhalatay amar diidada shirkadaha diyaaradaha oo u hoggaansami waayey awaamiirta wasaaradda.

Wasaaradda gaadiidka ayaa ku eedeysay shirkadaha diyaaradaha inay diidan yihiin in la saxo qaladaadka uga dhacaya sida maalinlaha ah, maadaama ay diideen inay fuliyaan System-ka cusub ee wasaaraddu la timid.

“Wasaaraddu waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineysaa inay ka hortegi doonto wax kasta oo dib u dhac ku keeni kara safaradooda, iyadoo wasaaraddu ay la xisaabtami doonto shirkadihii iyo shakhsiyaadkii sababta u ahaa dib u dhaca,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA