Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xisbullah oo duqaymo ka fulisay waqooyiga Israa’iil ka + qasaaraha ka dhashay

Arbaco– 06-March,-2024-{HMC} Ururka Xisbullah ee ay taageerto Iran ayaa shalay gantaallo badan ku garaacay waqooyiga Israa’iil, kuwaasoo ay ku sheegeen inay aargoosi u ahaayeen duqaymo ay Israa’iil ku xasuuqday dad badan

Ilaa 10 ka mid ah 30 gantaal oo lagu tuuray magaalada Kiryat Shmona ayaa “si guul leh loo qabtay,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay ciidamada difaaca Israa’iil.

Horaantii, ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa lagu dilay ka dib duqaymo xagga cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka qaranka ee dawladda Lubnaan.

Duqeymaha Israel ayaa ku dhacay guri beeraley ah oo ku yaalla magaalada xudduudda ku taal ee Houla, waxaana ku dhintay lamaane iyo wiil ay dhaleen, sida ay sheegtay NNA.

Rabshadaha ayaa calaamad u ah wareeggii ugu dambeeyay ee maalinlaha ah, weerarrada xudduudaha ee dhimashada leh ee Israel iyo Hezbollah kuwaasoo ka barakiciyay tobanaan kun oo Lubnaan iyo Israa’iil deggan guryahooda tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay Gaza.

Waxaa sii kordhaya walaaca ay qabaan saraakiisha Mareykanka oo ku aadan in Israa’iil ay qorsheyneyso duullaan dhanka dhulka ah oo ay ku qaado Lubnaan, haddii dadaallada diblumaasiyadeed ay ku guuldareystaan ​​in Xisbullah ay ka soo celiyaan xuduudka waqooyiga, sida ay sheegeen saraakiil aqoon u leh sirdoonka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA