Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{AKHRISO} Maxkamada Sare ee Soomaaliland oo laashay Qaar kamid ah Xeerka doorashooyinka

Khamiis March 7, 2024 {HMC} Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa aqbashay dacwad uu u gudbiyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo wax lagaga badalayay qodabada qaar oo ku jiray xeerka doorashooyinka.

Maxkamada Sare ee Somaliland ayaa aqbashay codsiga oo uu madaxweynuhu kaga codsaday in ay laasho laba qodob oo ku jiray xeerka doorashooyinka oo uu madaxweynuhu sheegay in anay waafaqsanayn Dastuurka Somaliland.

Qodobada ay maxkamadu laashay ayaa waxa kamid ah qodob sheegayay in hadii uu urur kasta 20% ka helo dhamaan gobolada, oo ay sidookale helaan tiro isku mid ah codadka guud in baarlamaanku uu kala saarayo.

Maxkamada ayaa madaxweynaha ku raacday, iyada oo sheegtay in golayaasha baarlamaanka laftoodu ay doorasho ku yimaadeen isla markaana anay ka garnaqin karin guusha iyo guul darada cid cod shacab kusoo baxday.

Maxkamada ayaa sida kale fasaxday xeerka doorashooyinka, sidookale madaxweynaha ayaa dhawaan sheegay in xeerku uu dhamaystirmay oo doorashadii uun loo diyaargaroobayo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA