Friday, July 19, 2024
spot_imgspot_img

Askari ka tirsan Ciidamada Dowlad Goboleedka K/Galbeed oo dil Toogasho ah lagu fuliyey

KHAMIIS-07-March,-2024-{HMC} Maxkamada ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa maanta xukun dil ku ridey askari ka tirsanaa ciidamada daraawiishta Koofur galbeed.

Askariga ayaa lagu helay inuu horey dil ugu gestey askari kale oo ka tirsanaa Ciidamada daraawiishta Maamulkaas.

Cabdiraxiin Cismaan ayaa isla maanta dilka lagu fuliyey ayaa horey u dilay Ibraahim Aadan Salaad Wiirow.

Dilkaas ayaa dhowan ka dhacay degmada Diinsoor ee gobolka Bay ka dib markii labada askari uu soo kala dhex galay khilaaf sababay gacan ka hadal.

Dadweyne fara badan ayaa iskugu soo baxay goobta ay ka dhaceysay fulinta xukunka toogashada.

 

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.07.2024}

Khamiis 18 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Khaliif Abdi Farsamadii ::Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

Khamiis 18 July 2024 {HMC}  Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA.

WARARKA