Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada DF ku matalaya dhoolatus ka socda Kenya oo wacdaro cajiib ah soo bandhigay.

KHAMIIS-07-March,-2024-{HMC}  Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa maanta dhoolatus cajiib ah oo ay ka qayb-galeen waddamo badan kusoo bandhigay dalka Kenya.

Intaii uu socday dhoolatuska ayaa ciidamada Soomaaliya waxa ay wacdaro ka dhigeen goobta, sida ay muujinayaan muuqaalo iyo sawirro ay heshay warbaahinta.

Diyaarinta ciidamadan ayaa waxaa si gaar ah isugu howlay taliyaha guutada 16-aad kuumaandooska Danab Gaashaanle Caydaruus Maxamed Xuseen oo kaashanaya taliye xigeenkiisa Gaashaanle Maxamed Sheekh Axmed iyo saraakiisha kale ee ciidanka Danab.

Sidoo kale waxaa dhoolatuskan ka qayb-galay ciidamo ka socday dalalka gobolka sida Kenya ,Tanzania iyo Uganda.

Bandhiga ay sameeyeen ciidamada Xoogga dalka ayaa muujinaya isbeddellada malatari ee ay haatan ku tallaabsaneyso Soomaaliya oo hadda kasoo kabaneyso burbur xoogan, waxaana hoggaanka u haya dhalinyaro sanadihii dambe loo soo tababaray Soomaaliya.

Waa markii markii ugu horreysay burburka kadib oo Soomaaliya dalka dibaddiisa uga qayb-gashay dhoolatus ciidan oo weyn, sida uu horay u shaaciyay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Sarreeya Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin oo la dardaaramaya ciidamada Danab.

“Waa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno carbis milatari oo ka dhacaya dalka dibbaddiisa, waxaad ogtihiin mar haddii aysan horay u jirin waqtiyadan ay dhisneyd dowladdu ama ciidamadanka ay ku jireen dib u dhiska waxa nalagala filan karo inaan isku sheegno ayana rabnaa” ayuu horay y yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA