Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DFS oo Daahfurtay qaab Cusub lagu bixinayo Baasaboorka Soomaaliga

KHAMIIS-07-March,-2024-{HMC}  Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka Soomaaliga

Hanaankan cusub ayaa ah mid si digital ah loogu hubinayo xogta muwaadinka, hanaanka dirista baasaboorka iyo habka qaadashada intaba.

Adeeggaan cusub oo ah mid la jaanqaadaya habka casriga ah ee bixinta baasboorada, ayaa looga maarmi doonaa in lagu qoro gacanta codsiyada baasaboorka iyo xogta muwaadinka.

Waxaa uu meesha ka saari doona culeyskii ka iimaan jiray foomamka gacanta lagu buuxiyo, isaga oo soo gaabiniya waqtiga hubinta iyo daabaacadda intaba.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa si joogta ah horumarin iyo isbedal casriyeysan ugu sameynaysa hanaanka adeeg bixinta taas oo ay hay’addu ugu gol leedahay fududaynta adeegyadeeda bulshada u hayso.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA