Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowlda Britain oo sheegtay in Xulafada Israel uu haatan ka sii dhamaanayo dulqaadka

KHAMIIS-07-March,-2024-{HMC}  Waxaa Arbacadi shalay sii xoogeystay dadaalka loogu jiro sidii Marinka Gaza loo gelin lahaa gargaarka bani’aadannimo ee sida aadka ah ay ugu baahanyihiin dadka gaajada darteed u go’i rabo ee reer Gaza.

Midowga Yurub ayaa kordhiyay cadaadiska uu ku saarayo Israil in ay qaaddo xayiraadaha gargaarka bani’aadannimo. Dalalka reer Yurub ayaa isku dayaya in ay abuuraan dariiq sii maraya badda oo kasoo billaabanaya Qubrus kuna dhammaanaya Gaza, kaas oo lasoo marin doono gargaar bani’aadannimo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain David Cameron ayaa isna Arbacadi sheegay, in xulufada Isra’il ay sii luminayaan dul-qaadka.

Koofur Africa oo horay Isra’il uga dacweysay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda kuna eedeysay xasuuq ka dhan ah dadka Gaza, ayaa Arbacadi ka codsatay Maxkamaddaasi in ku amarto Israil in Gaza la geliyo gargaar bani’aadannimo si looga hortago macluul iyo gaajo.

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ugu yaraan 576,000 oo qof oo ku nool Gaza, oo ah rubuc ka mid ah dadka ku nool Marinka Gaza ay qarka u saaran yihiin macluul.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA