Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Golaha Wasiirada Somalia oo meel mariyay Masuuliyiin xilal cusub loo Magacaabay

KHAMIIS-07-March,-2024-{HMC} Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu ansixiyay magacaabista Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee Marwo Hodan Cismaan in ay noqoto Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya, halkan Mudane Aadan Rooble uu noqonayo Agaasimaha Guud ee Bangiga Horumarinta iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xeerka Hey’adaha aan dowliga aheyn, Habraaca Diiwaan-gelinta Gaadiidka iyo Siyaasadda Qaran ee Kormeerka iyo Qiimeynta.

Golaha Wasiirrada, ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo difaaca dalka ka dhageystay Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, iyaga oo golaha faah-faahin ka siiyey howlgallada socda ee sugidda amniga, xasillinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo al shabaab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA