Friday, July 19, 2024
spot_imgspot_img

Itoobiya oo u dabaal dagtay Guul ay sheektay ineey ka gaartay Dagaal ay la Gashay Soomaliya.

KHAMIIS-07-March,-2024-{HMC} Itoobiya ayaa u dabaal degtay sanadguuradii 46-aad ee ka soo wareegatay waxay ugu yeertay guushii Karamara oo ka dhigan sida ay sheegeen, jabkii gaaray ciidamadii Soomaaliya ee Itoobiya dagaalka la galay sanadkii 1977.

Itoobiya waxay ku tilmaamtay guul taariikhiya oo soo martay markii madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo xukumayay Soomaaliya in ka badan labaatan sano uu amar ku bixiyey in ciidamadiisa ay duulaan ku qaadaan Itoobiya isagoo ujeeddadiisu ahayd in dib loosoo celiyo dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya xoogga ku haysato.

Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) ayaa soo sheegtay in Guusha Karaama ay ka dhigan tahay ” naf-hurnimo qaali ah oo loo bixiyey si loo difaaco madaxbannaanida dhuleed iyo madax-bannaanida Itoobiya.

Danjire Jorge Lefebre Nicolá, Safiirka Cuba u fadhiya dalka Itoobiya, oo ah waddankii Itoobiya u soo gurmaday markii ciidamada Soomaaliyeed ay gudaha u galeen in ka badan 700km oo ah dhulkii Itoobiya gumaysiga ku haysatay, ayaa ka soo qayb galay munaasabadda xuska oo ka dhacday fagaaraha Ethio-Cuba.

In ka badan 15,000 oo askari oo Cuban ah ayaa ka qayb qaatay dagaalkii lagu jebiyay ciidamadii Soomaaliyeed ee dagaalka la galay Ethiopia 1977.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.07.2024}

Khamiis 18 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Khaliif Abdi Farsamadii ::Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

Khamiis 18 July 2024 {HMC}  Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA.

WARARKA