Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxeey Ka Doodeen Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka?

KHAMIIS-07-March,-2024-{HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xubanaha Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka oo ka dooday dhacadadii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde), ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Duulista, Garoommada, Dekedaha, Tamarta iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdullaahi Geel-qaad xubnaha guddiga uga warbixiyay dhacdadii labadii maalin ee la soo dhaafay ay shacab badan ku xayirnaayeen garoonka saacado badan sababo aan sharciga waafaqsaneen.

Xubanaha guddiga ayaa ugu horeyn wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadaas lagu dhibaateeyay shacabkii u safraayey gobolada dalka, waxaana ay xubanaha Guddiga u yeereen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Duulista hawada iyo garoommada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cigaal kulan su’aalo oraaheed ah si waafaqsan Qodobka 63-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, si su’aalo loogu weeydiiyo waxa sababay in shacabka u safraya gobolada dalka gudihiisa ah lagu dhibaateeyo socdaalkooda, dadkaas oo ay ku jiraan, dad waayeel ah, caruur iyo dad xanuunsan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA