Tuesday, April 16, 2024
spot_imgspot_img

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Ku Dhawaaqay dhismaha gole cusub.

Khamiis March 7, 2024 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay shirwaynaha dacwada Salafiga Soomaaliyeed,isagoo sheegay in culimadu doorwayn ku leeyihiin dawladnimada, siyaasada iyo amniga, iyagoo si gaara uga masuul ah dacwada iyo ilaalinta diinteena suubban.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Al-shabaab dowladnimadeena caqabad wayn ku yihiin, isla markaana dowladdu kula jirto dagaal xoogan oo dhinacyo badan ah, sidaa awgeed waxaa culimada Soomaaliyeed looga fadhiyaa in ay doorkooda shariifka ka qaataan, isla markaana bulshadeena ka wacyi galiyaan afkaarta qaldan ee dhalinyareedan ay ku qaldaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu gacanta ku hayso dhismaha golaha culimada Soomaaliyeed oo wax wayn ka tari doona isku soo dhawaynta kala afkaar duwanaanta culimada Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa waxaa dhinaca kale uu sheegay in dowladdu gacanta ku hayso dhamaystirka dastuurka oo ah qabyo wayn oo dowlanimadeena hortaagan, sidaa awgeed in culimadu kaalintooda ka qaatan oo eegaan qodobada dastuurka oo ay waafajiyaan diinteena.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Max’uud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa kulan la qaatay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda dalka Norway, Mudane Andreas Kravik oo booqasho ku yimid caasimadda Muqdisho.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada horumarinta, amniga, ladagaalanka argagixisada iyo xasilinta deegaanada laga xoreeyayal shabaab.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 15-04-2024

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamada Gobolka Galgaduud Oo Xukun ku Riday Dhalinyaro dilay 2 Wiil oo Walaalo ah.

Isniin 15 April , 2024 {HMC} Maxkamada Gobolka Galgaduud Oo Xukun ku Riday Dhalinyaro dilay 2 Wiil oo Walaalo ah. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA. https://youtu.be/45IjksPRaTE  

WARARKA