Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Soomaaliya iyo Turkiga oo wada saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka

Khamiis 7,March , 2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku joogo Dalka Turkiga ayaa heshiis la galay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka Turkiga Mudane Alparslan Bayraktar.

 

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska Hormarinta Hydrocarbon Soomaaliya iyo sida looga faa’iidaysanayo.

 

Qoraal uu soo dhigay Wasiirka bartiisa X ayaa ku yiri, “Aniga iyo dhiggeyga dalka Turkey Mudane Alparsalan Bayraktar waxaan maanta kala saxiixday heshiis dawladeed laba-geesood ah oo ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhaliya ilaha tamarta cayriin.

 

Tani waa munaasabad muhiim u ah labadeenna dal, waxaana si gaar ah dalka Turkiga uga mahadcelinaynaa taageeradooda ku aaddan xoojinta iyo xawaareynta wax-soo-saarka dhanka Hydrocarbons-ka ee Somalia.”

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbahinta Hiiraanweyn {27 07 2024}

Sabti  27 July 2024 {HMC} –Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugir Baryare...

{DAAWO MUUQAALKA} Maareeyaha Guud ee hay’adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada,

Sabti 27 July 2024 {HMC} Maareeyaha Guud ee hay'adda korontada qaranka oo daah furay maanta shirka golaha korontada, HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA