Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xiisad Colaadeed oo ka taagan Deegaano ka tirsan Gobolka Gado.

KHAMIIS-07-March,-2024-{HMC}  Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in mar kale xiisad dhinaca maamulka ay kasoo cusboonaatay gobolkaais, taas oo ka dhalatay isbeddal maamul oo uu sameeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Madaxweynaha oo wareegto soo saaray ayaa soo magacaayay guddoomiye ku xigeennada cusub ee gobolka iyo guddoomiyeyaaha degmooyinka Buurdhuubo iyo Beledxaawo.

Xiisad ka dhalatay isbeddelkan ayaa maanta ka taagan degmada Buurdhuubo, waxaana isku horfadhiyo ciidamo taabacsan maamulkii hore iyo kuwa Jubbaland.

Nuur Shig Shigoow oo kamid ah xubnaha diiday maamulka lasoo magacaabay ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in labada ciidan ay haatan is horfadhiyaan.

”Xaaladda waa cakiran tahay annaga magaalada joogno, iyagana bannaanka ayay joogaan waxay qarka u saaran tahay inuu dagaal qabiil qarxo” ayuu yiri Nuur Shig Shogoow.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxa ay xiisadda salka ku haysaa isbeddalka lagu sameeyay guddoomiyaha degmada Buurdhuubo, waxaan diidanahay warqaddii shalay soo baxday.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in mas’uuliyadda dhibaatada ka dhalata xaaladda ka taagan halkaas ay qaadi doonaan madaxda sare ee maamul goboleedka Jubbaland.

“Xiisadda taagan, haddii ay dad ku dhintaan waxaa qaadaya mas’uuliyadda Maxamuud Sayid Aadan, Axmed Madoobe iyo wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland” ayuu raaciyay.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in wax weliba lagu dhameeyo wada-hadal iyo deganaan, si loo qaboojiyo xiisadda haatan soo cusboonaatay.

“Waxaan ku baaqayaa warqaddan in dib loo celiyo , kadibna laga fariisto, si loo helo isla ogol” ayuu mar kale yiri Nuur Shig Shigoow.

Gedo ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay khilaafaadka dhinaca maamulka, kuwaas oo dib u dhigay horumarkii gobolkaasi oo hoostaga dowlad goboleedka Jubbaland.

“Waa markii ugu horreysay ee aan ka qayb-galeyno carbis milatari oo ka dhacaya dalka dibbaddiisa, waxaad ogtihiin mar haddii aysan horay u jirin waqtiyadan ay dhisneyd dowladdu ama ciidamadanka ay ku jireen dib u dhiska waxa nalagala filan karo inaan isku sheegno ayana rabnaa” ayuu horay y yiri taliyaha Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa haatan sameyneyso dib usoo kabasho weyn oo dhanka ciidamada ah, waxaana sanadihii u dambeeyay xoogga la saaray dib u dhiska Ciidamada Xoogga dalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA