Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xuutiyiinta Yeman oo Kordhiyay Weerarada Bada Cas

Khamiis March 7, 2024 {HMC} –  Millatariga Mareykanka ayaa sheegay, in gantaal nuuca baalistiga ah oo laga soo tuuray dhulka ay Xuutiyiinta maamulaan ee dalka Yemen lagu batilmaameedsaday Markab ganacsi oo marayay Gacanka Cadmeed, Arbacadi shalay.

Bayaan kasoo baxay Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in gantaalkaasi uu ku dul habsaday markba, isla markaana uu sababay dhimashada saddex ka mid ah shaqaalihi la socday markabka.

Markabka la weeraray ayaa watay calanka jasiiradda Barbados, waxana laga leeyahay Liberia. Wuxuu waday biro laga keenay Shiianaha, waxana uu kusii jeeday Sacuudiga.

Sida uu sheegay millatariga Mareykanka, waa weerarki ugu horreeyay ee ay dad ku dhintaan oo ay xuutiyiinta u geystaan maraakiibta caalamiga ah ee adeegsata marinka Baabul Mandab ee Gacanka Cadmeed, tan iyo inti ay Xuutiyiinta billaabeen weerarada noocaani oo kale ah bartamihi November.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in sii wadi doonaan weerara nuucani oo kale ah inta ay Isra’il ka joojineyso dagaalka ay ka waddo Gaza. Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa fuliyay weeraro cirka ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, kuwaas oo ay marar kala duwan ay ku garaaceen bartilmaameedyo ku yaalla Yemen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA