Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Biden oo Khudbaddiisa kaga hadlay qodobo ay ku jiraan, deked laga dhisayo Gaza

Jimco 8,March , 2024 {HMC} Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xalay jeediyey khudbaddii sannadlaha ahayd ee madaxweynayaasha Maraykanku ay u jeediyaan Labada Aqal ee Koongareeska ee Sanatka iyo Aqalka Hoose ee wakiillada.

Joe Biden ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlay siyaasadda arrimaha dibedda iyo gudaha, waana khudbaddiisii 3-aad ee noocan ahayd tan iyo inyii uu xilka la wareegay Jnauary 2020-kii.

Waxa uu sheegay in xornimada iyo dimqoraadiyadda ay halis waajahayso gudaha iyo debedda Maraykankaba.

Waxa uu sheegay inuusan oggolaan doonin la baab’iyo barnaamijkii caafimaadka Obama Care, inuu maalgelinayo tacliinta, oo uu kordhinayo mushaharka macalimiinta, isla markaana uu doonayo inuu dhimo daynta lagu leeyahay dawladda dhexe, uuna taageersan yahay hannaan canshuur-qaadis oo caddaalad ah oo aan canshuur-dhaaf xaq-darro ah u samaynin inta qaniga ah.

Madaxweyne Biden ayaa ku dhowaaqay qorshe ay milaatriga Maraykanku doonayaan inay deked ku meelgaar ah kaga dhisaan xeebta Gaza ee badda Midatareeniyaanka si looga dejiyo sahay gargaar.

Waxa uu sheegay inaan ciidamo Maraykanka ah oo halkaas fadhi ku yeelanayn. Waxa u sheegay in in dekedda ku meelgara ka ah ay kordhin doonto gargaarka galaya Gaza. Waxa uu sheegay in Israel looga baahan yahay doorkeeda inay ciyaarto.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA