Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Itoobiya oo Mar kale ku Celisay in ay Ka fiirsaneyso Is afgaradkii ay la saxiixatay Soomaaliland

Jimco-08-March,-2024-{HMC}   Ethiopia ayaa dib uga fiirsaneysa qorshaheeda aqoonsiga Somaliland kadib cadaadis caalami ah oo lagu yareynayo xiisad ka dhalata, sida uu sheegey wargeyska Bloomberg. Bishii Janaayo, Ethiopia oo aan lahayn bad ayaa saxiixday heshiis horudhac ah si ay u noqoto dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Somaliland iyadoo beddelkeedana sheegtey in muddo 50 sano ka qadaneysa qayb kamid ah xeebta Soomaaliya.

MOU-da la kala saxiixdey ayaa kiciyey caro, iyadoo Somalia ay sheegtay inay “difaaaci doonto midnimadeeda dhuleed” halka Egypt iyo dalal kale oo ku boorriyay in la muujiyo taxaddar. Intii lagu guda jiray wadahadalladii dhawaan Nairobi ka dhacay ee uu la yeeshay Madaxweynaha Kenya William Ruto, Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa muujiyay diyaar u ahaanshihiisa inuu ka laabto qodobbada ugu muranka badan ee heshiiska si uu u soo celiyo xiriirka Somalia, sida ay sheegeen dad aan magacyadooda la shaacin karin maadaama aysan fasax u heysan inay si furan uga hadlaan arrinta.

Mas’uuliyiin ka tirsan Ethiopia ayaa si gaar ah ugu sheegay diblomaasiyiin shisheeye in dalka laga yaabo inuu ka laabto “aqoonsigiisa” Somaliland, sida ay sheegeen shan diblomaasi oo lagu wargeliyay mowqifka Addis_Abeba. Ruto ayaa sidoo kale arrintan ku soo qaaday kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Hassan Sheikh, oo isla waqtigaas booqasho ku joogay Kenya.

Inkastoo Ethiopia si rasmi ah uga bixin heshiiska Somaliland, haddana Abiy oo xiiseynaya helitaanka marin xeebeed, deeq-bixiyayaasha waaweyn ayaa ka digaya in heshiisku uu hurin karo colaad gobolka oo aan xasillooneyn.

Somalia waxay u aragtaa “sharci-darro” iyo “gumaysi.” US iyo UN waxay ka digayaan inay suurtagal tahay in kooxda al-Shabaab ka faa’iideysato xaaladda si ay u qoroto dagaalyahano.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA