Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Weriye Ka Tirsan CNN: oo Sheegay in uu arkay taangiyada Israel oo shacab leynaya

Jimco-08-March,-2024-{HMC} Ciidamada Israel ayaa rasaas ku furay shacab ku sugnaa magaalada Gaza waxaana ka dhashay khasaare xoogan, iyadoo dadka dhaawacmay uu ku jiro weriye ka tirsan Telefishinka CNN ee dalka Mareykanka.

Saxafiga Khader Al Za’anoun ayaa u sheegay CNN Khamiistii in uu indhihiisa ku arkay taangiyada Israa’iil oo rasaas ku furaya dad rayid ah oo isugu soo baxay hareeraha Isbitaalka Kuwaiti ee xaafadda Zaytuun ee magaalada Gaza.

Al Za’anoun ayaa sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray wajiga, gacanta midig iyo dhegta midig.

Al-Za’anoun, oo si joogto ah ula shaqeeya CNN, ayaa sheegay in koox rayid ah ay isu soo baxeen kuwaasoo sugayay gawaari gargaar oo ka yimid koonfurta Gaza oo ku sugnaa waddada Salah Eddin saacadihii hore ee Khamiista.

Abaaro 1-dii Saqdii dhexe ee maanta ayuu sheegay in Taangiyada Israa’iil ay bilaabeen duqeymo ay ku garaacayeen goobtaasi, waxaana goobta isaga cararay dad badan oo sugayay gawaarida gargaarka.

Wax yar ka dib rasaasta Israel, waxaa yimid afar baabuur oo gargaar siday, ayuu yidhi. Waxa uu sugayay imaatinka baabuurta xamuulka ah isaga iyo caruurtiisa.

Al Za’anoun ayaa fuulay mid ka mid ah baabuurta xamuulka si uu u soo qaato jawaan bur ah si uu qoyskiisa ugu geeyo hase ahaatee taangiyada Israa’iil ayuu sheegay iney billaabeen in ay rasaas kale furaan, waxaana la toogtay isagoo isku dayaya inuu baxsado. Waxaa loola cararay cusbitaalka, wax gargaar ahna wuu waayay sida uu sheegay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA