Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Baarlamaanka oo u yeeray Wasiir Fardowsa, kadib dhacdadii Garoonka Aadan Cadde

Sabti-09-March,-2024-{HMC} Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Fardowsa Maxamed Cigaal, taasi oo hortageysa Baarlamaanka kulanka maalinta berri yeelanayaan Golaha

Xildhibaanada ayaa Wasiirad Fardowsa Maxamed su’aallo ka weydiin doona dhacdadii buuqa dhalisay ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo lacagta 9-ka dollar ee laga doonayay in laga qaado dadka safarka u ah Gobolada dalka..

“U yeerid iyo hor imaasho Golaha guud ee Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda JFS iyo jawaabidda su’aallo ordaaheedyo sida uu qabo qodobka 69/2 ee dastuurka KMG iyo qodobada Xeer hoosaadka 53/1, 63.” ayaa lagu yiri fariin qoraaleed loo diray Xildhibaanada.

Dhacdada Garoonka diyaaradaha ee lagu xayiray duulimaadyada gudaha ayaa waxaa soo farageliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, isagoona fasaxay duulimaadyada oo loo joojiyo lacagta 9-ka Dollar aheyd.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo kula hadlayay qaar ka mid ah rakaabka hoolka garoonka ayaa sheegay in dowladdu ay ka xuntahay dib u dhaca iyo culeyska ku yimid safaradooda, isaga oo ballanqaaday in arrintan oo kale aanay dib u soo laaban doonin.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA