Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Dowlada Soomaliya oo AS kala wareegay Deegaano ka tirsan Koofur Galbeed.

Sabti-09-March,-2024-{HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Baay, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda AS.

Howlgallada ayaa si gaar ah looga sameeyay deegaanada kala ah Beeley iyo Buur-haybe oo ka tirsan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Ururka 161-aad, gaar ahaan Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa fuliyay howlgalka, iyaga oo beegdaday xarumo ay kooxda AS ku lahaayeen halkaasi.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkaasi lagu burburiyay fariisimo ay kooxda AS ku lahaayeen deegaanada ay gaareen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa cagta la mariyay goobo kale oo ay kooxda lacago uga qaadi jireen dadka shacabka ah, sida lagu sheegay qoraalka.

“Geesiyaasha kumaandooska Danab XDS ayaa waxa ay burburiyeen fariisamo ay halkaas ku lahayeen khawaariijta Sidokale waxaa la burburiyeey goobohi khawaariijta dadka shacabka ah kaga qaadi jireen baada ay ugu yeeraan sakaawaadka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo la raaciyay warsaxaafadeedka “Ciidanka kumaandooska Danab XDS ayaa ah awooda sida tooska ah ugu hortagta baacsiga firxadka haraadiga khawaariijta”.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaxa kooxda AS oo ku aadan howlgalladaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa gobollada Baay iyo Bakool ka socday guluf culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa Daraawiishta ee maamulka Koonfur Galbeed.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA