Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta sameeyay Daah-fur, xarag-jar iyo Dhagax-dhig

Sabti-09-March,-2024-{HMC}  Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka sameeyey Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga howlo isugu jira daah-fur, xarig-jar iyo dhagaxdhig.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Machadka Qorsheynta, Istatistikada iyo Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka iyo Dhismaha Hey’adda Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliyeed, isaga oo daah-furay hoolka cusub ee Wasaaradda iyo hey’adda Istaatistikada Qaran oo loo bixiyey Nuur Weheliye.

Dhismeyaasha la dhagax-dhigay oo qeyb ka ah Wasaaradda Qorsheynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamay kuwo wax weyn ku soo kordhinaya dalka iyo horumarka la hiigsanayo, isagoo ku bogaadiyey Wasaaradda hirgelinta barmaamijka casriyeynta dowladnimada oo muhiim u ah dalkeenna, kaas oo horseedaya isbeddel la taaban karo.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA