Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dalka Uganda oo laga mamnuucay iibka Hilibka xoolaha nuucyadooda kala duwan kadib markiii…….

Sabti-09-March,-2024-{HMC} Magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda ayaa laga mamnuucay iibka xoolaha nuucyadooda kala duwan, kaddib markii magaaladaasi ku faafay cudur halis ah oo ku dhacaya xoolaha.

Qoraal kasoo baxay maamulka xoolaha ee magaalada Kampala ayaa lagu mamnuucay in hilibka xoolaha lagu iibiyo caasimadda ,waxaana tallaabadan lagu xakameenayaa faafitaanka xoolaha ka saameeya afka iyo cagaha.

“ Hilibka lo’da, ariga, idaha, Doofaarka iyo wax-soo-saarkooda waa mamnuuc ilaa amar dambe, inta laga xakameenayo cudurka la arkay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Beeraha, Warshada Xoolaha iyo Kalluumeysiga.

Dadka ku dhaqan magaalada Kampala oo aad u isticmaali jiray hilibka xoolaha nuucyadiisa kala duwan ayaa dhibaato ku qaba mamnuucida hilibka, waxaana dadka aad u iibsanayaan hilibka digaaga iyo sidoo kale malayga.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA