Thursday, May 30, 2024
spot_imgspot_img

Golaha Amaanka ee QM oo Sudan ugu baaqay inay gaaraan heshiis xabbad joojin ah

Sabti-09-March,-2024-{HMC} Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii ansixiyay qaraar ku baaqaya xabad-joojin ka dhaqan-gasha Sudan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Ansixinta qaraarkan ayaa yimid, kaddib markii uu Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ka digay in masiibada bani’aadannimo ee ka jirta Sudan ay gaartay heer aad u baaxad weyn.

Ku xigeenka danjiraha Biritain ee Qaramada Midoobay James Kariuki oo uu xafiiskiisu soo diyaariyay qaraarkaan ayaa sheegay, in Golaha Ammaanku uu qaraarkani farriin cad oo adag ugu diray millatariga Sudan iyo xoogagga RSF, kuwaas oo laga dalbay in ay si deg deg ah xabbada u joojiyaan inta lagu jiro bisha Ramadan.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kala bar shacabka Sudan oo ah 25 milyan ay u baahanyihiin gargaar bani aadannimo. 10 milyan oo ka mid ah ayaanan heysan cunto.

Sudan ayaa hadda ah dalka ugu barakaca badan dunida. 6.3 milyan oo ruux ayaa lagu qasbay in ay barakacaan. 1.7 milyan ayaa u qaraxay dalalka deriska halka 70 boqolkiiba goobaha caafimaadka ee ku yaalla aagaga dagaalka ay shaqadii joogsatay.

{DAAWO MUUQAALKA} Kooxda Xuutiyiinta oo weerar ku qaaday Markab Xamuul iyo khasaare ka dhashay

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Kooxda Xuutiyiinta oo weerar ku qaaday Markab Xamuul iyo khasaare ka dhashay HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/s1LI0LGSEjY

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 30/5/2024

Khamiis 30, May 20224 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 30/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/HvlH5BxOvOY

WARARKA