Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hay’adda NISA oo gacanta ku dhigtay guddoomiyihii hore ee Dharkeenley oo ku biiray kooxda AS

Sabti-09-March,-2024-{HMC} Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa AS kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay Hay’addaha dowladda.

Abuukar ayaa intii u dhaxeysay 2015 ilaa 2019 soo noqday Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda degmada Wadajir, sidoo kale 2019 ilaa 2020 waxaa uu Guddoomiye kasoo noqday degmada Dharkeynley, isaga AS kala shaqeeyay fududaynta falal amni darro oo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho.

Xogta Hay’adda NISA ay heshay waxa ay caddayneysaa in Abuukar Axmed Caddow uu AS ku biiray intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2014, waxa ay tababar Sirdoon ku siiyeen magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose,isaga oo AS ka caawin jiray gudbinta xogta Saraakiisha iyo Xafiisyada dowladda iyo fududaynta dhagaraha Kooxda.

NISA oo heshay xogta dhagar qabahan ayaa dabagal ku haysay mudddooyinkii u dambeeyay waxaana ugu dambeyn lagu guuleystay in 04-tii March 2024, laga qabto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga oo ka yimid dalka Kenya.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka waxa ay u digeysaa cidkasta oo la shaqeysa kooxda AS waxaana ka go’an adkaynta nabadgalyada muwaadinka Soomaaliyeed.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA