Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxbuus Maraykan ah oo dhammaanba lacagihii uu ka dhex shaqeystay gudaha xabsiga ugu deeqay walaalihiisa reer Falastiin.

Sabti-09-March,-2024-{HMC} Sanduuqa la isku taakuleeyo ee GoFundMe wuxuu ilaa hadda lacag dhan $102,000 u ururiyay Hamza oo ah maxbuus Maraykan ah oo dhammaanba lacagihii uu ka dhex shaqeystay gudaha xabsiga ugu deeqay walaalihiisa reer Falastiin.

40 sanno ayuu maxbuus ahaa waxaana la filayaa inuu goordhow kasoo baxo noloshaas uu galay isaga oo soo qaangaaraya. Wuxuu toddobaadkan ugu deeqay Muslimiinta Falastiin lacag dhan $17.74 oo ah 136 saacadood oo shaqo nadaafadeed ah oo uu ka dhex qabtay xabsiga. Halkii saac waxaa loogu dhufan jiray saddex centi, sida lagu qoray Sanduuqa mareegta GoFundMe.

Isaga oo maxbuus ah oo qalbigiisu aad uga fog tahay masaafo ahaan Muslimiin Falastiin ayuu dareemay inuu wax ku tari karo gurmadna u fidin karo. Sidaas darteed ayuuna u go’aansaday inuu lacagtii uu sannadkaas oo dhan shaqeeyey uu ugu taakuleeyo walaalihiisa.

Markii sheekada deeqdiisu ay gaartay meel sarraysa, waxaa laga fikiray sida ugu dhow ee walaalkaas Muslimka ah looga caawin karo nolosha cusub ee ku sugaysa bannaanka marka uu kasoo baxo xabsiga.

Samafalayaal ayaa doortay inay u furaan sanduuqaas si loogu taakulo. Waxaana ilaa hadda ku dhacay lacag ka badan 100,000 oo doollar.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA