Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxey tahay Sababta Loo Baajiyay Kulankii ay berito ku Hortagi laheyd BFS Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.?

Sabti, 9 Maarso, 2024 {HMC} Waxaa la baajiyay kulan maanta markii hore lagu wargeliyay Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya in berito oo Axad Golaha Shacabka ay ku hor imaan laheyd Wasiirka Gaadiid iyo Duulista Hawada Soomaaliya Fardowso Maxamed Cigaal.

 

War qoraal ah oo loo diray Xildhibaanadda ayaa lagu sheegay markii hore in kulanka berito su’alo ku aadan qalalaasahii ka dhacay garoonka lagu weydiinayo Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliska Hawada, hayeshee qoraal kale oo hadana loo diray ayaa loogu sheegay in la baajiyay kulankii berito.

 

Fariintan laguma sheegin sababta rasmiga ah ee ka dambeysa inuu baaqdo kulanka markii hore lagu wargeliyay Xildhibaanadda iney berito kasoo qeyb galaan.

 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  oo ka mid ah Xildhibaan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa baaqashada kulankaan ku tilmaamay in sumcad daro ku tahay Guddoonka iyo Golaha.

 

“In Golaha Shacabka uu kulan si rasmi ah ugu yeero wasiir Xukuumadda ka tirsan si su’aalo looga waydiiyo dhibkii shacabka ay maalmo ka hor kala kulmeen garoonka diyaaradaha iyo lacagihii dulsaarka ahaa ee lagu soo rogay, haddana la baajiyo sabab la’aan waxay dhaawac ku tahay sumcadda guddoonka iyo Golaha. Waxaa si cad loo jebiyey Qodobka 69aad ee Dastuurka iyo 59aad ee xeerhoosaadka Golaha shacabka ee la xisaabtanka Xukuumadda. Haddii madaxdii dalka aysan dastuurka iyo sharciga ilaalilaynin, sidee inta kale ugu hoggaansmayaan” ayuu ku yiri Xildhibaanka qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

 

Isbuucii la so dhaafay gaar ahaan maal maha Talaadada iyo Arbacada ayay aheyd markii qalalaaso si weyn u saameyay dad shacabka ah uu ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho oo markii dambe uu soo faragaliyay Raysal wasaaraha Soomaaliya, kadib markii shirkadaha diyaaradaha lagu soo kordhiyay qofkiiba in laga qaado lacag dhan 9 doolar, taasoo cabasho ka keeneen rakaabka iyo shirkadaha diyaaradaha.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA