Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo tacsi tiiranyo leh udiray qoyska AUN Bashiir Axmed Kacaan oo muqdisho ku geeriyoday

Sabti-09-March,-2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo saakay ku geeriyooday Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marxuumka ku sifeeyey muwaadin naftiisa iyo waqtigiisa u soo huray dalkiisa, isla markaana ahaa hawlkar waddankiisa wax badan ugu qabtay aqoontiisa

“Alle waxaan uga baryayaa in uu naxariistii Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, qoyska iyo ehellada uu ka tegeyna samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo muddo dheer u soo shaqeynayey dowladnimada Soomaaliya”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Marxuum Bashiir Axmed Cusmaan (Bashiir Kacaan) oo saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaa uu ahaa Lataliye Sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, isaga oo 2013 ilaa 2023 ahaa Agaasinka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, muddadaas oo uu ugu adeegayey dalkiisa, aqoontiisa iyo waayo-aragnimada uu u leeyahay dowladnimada.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA