Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo gaaray deegaanka Qorilloow Gobalka Shabeelaha Dhaxe

Sabti-09-March,-2024-{HMC} Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo uu wehliyo taliyaha ciidanka dhulka Gen, Dayax Cabdi Cabdulle ayaa booqasho ku tegay xerada ciidanka xoogga ee deegaanka Qorilloow Gobalka Shabeelaha Dhaxe.

Xeradan ay tageen taliyaasha ciidanka xoogga dalka ayaa dhawaan waxaa banneeyay ciidanka ATMIS oo horey ugu sugnaa, waxaana xerada Qoriloow la qorsheeyay in lagu sameeyo dib u dhis iyo qaabeyn cusub.

Sareeye Gaas Ibraahim Sheekh ayaa kormeeray dhammaan xerada inta ay ka kooban tahay, waxuuna sheegay in dib u habeyn weyn lagu sameyn doono qeybna ay ka noqon doonto xerooyinka dib u dhiska xoogan lagu sameyn doono.

Xerada ciidanka ee Qorilow waxaa sannadihii lasoo dhaafay saldhig ciidan u aheed ciidamo katirsan howlgalka ATMIS, waxa ayna xeradan beri samaadkii ahaan jirtay goob lagu carbiyo Ciidamada milateriga Soomaaliya.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA