Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xaakin ogolaaday in Maraykanku afar dal ka keeno 30,000 oo muhaajiriin ah bishii

Sabti-09-March,-2024-{HMC} Xaakin federaali ah oo fadhigiisu yahay gobolka Texas ee dalkan Maraykanka taageeray qayb ka mida siyaasadda madaxweyne Biden ee uu doonayey inuu qaxooti cusub kaga keeno illaa afar dal, hase ahaatee ay si aada uga horyimaadeen gobollada ay maamulaan xisbiga Jamhuurigu.

Xaakinka lagu magcaabo Drew B. Tipton ayaa ogolaaday in sababo bini’aadanimo in loo keeni karo illaa 3,000 oo magangelyo doon ah bishii, kuwaas oo laga kala keenayo dalalka Cuba, Haiti, Nicaragua iyo Venezuela.

Xukuumadda Biden ayaa doonaysa inay muhaajiriinta doonaya inay Maraykanka yimaaddan, inay soo maraan nidaamka magangelyo doonka ee saxda ah, haddiise ay ka baydhaan inay la kulmi karaan tallaabooyin adag.

Gobolka Texas iyo labaatan gobol oo kale ayaa xereeyey dacwad ka dhan barnaamijka lagu keenayo muhaajiriinta, iyaga oo ku doodaya inuu keeni doono inay malaayiin doollar ku bixiyaan adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo ammaanka guud ee muhaajiriintaas.

Hase ahaatee waxaa gaashaanka u daruuray xubnaha u ololaynaya in la meelmariyo barnaamijkan iyaga oo doodaha ay qabaan ay ku jiraan, in siyaasaddani ay taageeri doonto beerlayda Maraykanka ee ay shaqaale yaraantu haysato.

Waxaa suuro gala in racfaan laga qaato go’aankan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA