Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Booliiska Soomaaliya oo qabtay Hoobiyaal badan oo lagu dhibaateyn lahaa Shacabka Muqdisho

Axad-10-March,-2024-{HMC}  Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho qeybo kamid ah , waxa ay kusoo qabteen tiro badan oo hoobiyaal ah oo lagu qariyay dhulka hoostiisa.

Qabashada iyo helitaanka hoobiyaashan ayaa timid kaddib markii xalay labo hoobiye lagu tuuray qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, waxa ayna booliiska howlgalka ay sameeyeen ku heleen madaxyada hoobiyaal badan oo Al Shabaab qarsadeen.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay howlgalka booliiska sameeyeen in lagu soo qabtay 140-xabo oo ah madaxyada hoobiyaasha loo adeegsado iyo sidoo kale sameynta qaraxyada.

Waxa uu sheegay afhayeenka booliiska in kooxda Al Shababa madaxyada hoobiyaasha ee la qabtay doonayeen in ay dadka shacabka ku dhibaateeyaan, sidoo kale ka sameeyaan qaraxyo dhiig badan ku daato.

Al Shabaab ayaa marar badan madaafiic ku garaacay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho, madaafiicda qaar ayaana marar badan waxyeelo gaarsiisay dad badan oo shacab ah oo guryahooda ku habsadeen madaafiicda lasoo tuuray.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA