Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Raisul wasaare Xamse oo Xariga ka jaray waddo Muhiim ah oo ku taallo Muqdisho.

Axad-10-March,-2024-{HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay horumarka ay ku tallaabsatay caasimaddu in aan la xaqiijiyeen haddii aan amniga wax laga qaban, isaga oo xusay in horumarka iyo amnigu ay yihiin labo isku xiran oo haddii mid la waayo kan kalana uu meesha ka baxayo.
Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adaha amniga sida ay uga go’an tahay nadiifinta magaalada, si dib loogu soo celiyo bilicdii iyo amnigii ay ku suntanayd Caasimaddu

“Nabaddu waa tilmaanta quruxda iyo bilicda, marka meel kasta laami la saaro, waxaa kor u kaca nabadda, dhaqaalaha iyo bilicda, dhismaha Jidadku waxa ay muwaadinka u sahlayaan isu socodka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in canshuurta ay bixiyaan si loogu hormariyo dib u dhaska dalka, isagoo faray dadka deggan xarumaha danta guud ah in ay banneeyaan, si bulshada loogu adeego, dibna loogu dhiso

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA