Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRRADA} Xarun cusub oo loo dhisayo ciidanka Dhulka oo maanta la dhagax-dhigay

Axad-10-March,-2024-{HMC} Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Maanta dhagax-dhigay xarunta taliska ciidanka dhulka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ka hadlay Munaasabada dhagax-dhiga ayaa sheegay in xaruntan cusub ee la dhisayo qeyb weyn ka qaadan doonto howlgallada iyo isku xirka ciidanka xoogga dalka.

Waxa uu sheegay taliyaha in ciidanka dhulka ay yihiin kuwa ugu shaqada badan ciidanka milatariga, waxa uuna xusay in taliska cusub ee dhismihiisa la bilaabayo uu qeyb weyn ka qaadan doonto daboolida baahiyaha ciidnka.

Wasiirka Gaashandhigga XFS Mudane,Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dhankiisa sheegay in xaruntan ciidanka loo dhisayo lagu dhisayo is-xilqaan, waxa uuna xusay in dhismaha xaruntan ay muhiimad gaar ah u leedahay ciidanka dhulka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA