Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Erdogan oo wacad ku maray inuu taageerayo halganka kooxda Xamaas ee ka dhanka ah Israel.

Axad-10-March,-2024-{HMC} Madaxweynaha Turkiga ah ayaa sheegay inuusan argagixiso u aqoonsaneyn kooxda Xamaas, isagoo wacad ku maray inuu taageerayo halganka kooxdaas ee ka dhanka ah Israel.

“Ma jirto cid naga dhaadhicin karta inaan Xamaas ugu yeerno urur argagixiso. Turkiga waa wadan si adag u taageera Xamaas,” ayuu yiri Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan.

Isaga oo tixraacaya kulankii uu todobaadkan Ankara kula yeeshay madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, waxa uu yiri “Isra’iil oo ah waddan argagixiso waxay fulinaysaa xasuuq dhammaystiran oo ka dhan ah walaalaheen Falastiin.

Edogan waxa uu ka hadlay Shirka Guud ee Hay’adda Faafinta Sayniska ee lagu qabtay Hoolka Shirarka ee Jaamacadda Haliç ee Istanbul.

Waxaa uu sheegay in madaxda Israel sida Netanyahu ay galeen liiska ay ku jiraan dadka geystay dembiyada xasuuqa ah sida Hilter iyo kuwo la mid ah

“Turkigu waa dalka kaliya ee taageera qadiyada Falastiin heerka ugu sareeya. ayuu yiri Erdogan.

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Xildhibaan Yuusuf Geelle Madaxweynaha waa in uu Dhageystaa Baarlamaanka Albaabadana uu Furaa" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Khadiija ”Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Wasiir Khadiija ''Waxaan Rabnaa Xamar weyne oo sidaan ka Badalan'' HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA