Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxkamadda Magaalada kismaayo oo 9 Bil kadib Qisaastii Dilka Aheyd Kufulisay Ninkii Hooyadiis Kudilay Isla Magaaladaasi.

Axad-10-March,-2024-{HMC}  Waxaa maanta xukun dil ah lagu fuliyay danbiile Xasan Cabdullaahi oo hooyadiis Xaliimo Maxamed Cumar ku dilay magaalada Kismaayo Juun 11, 2023 oo ku siman muddo 9 bil kahor.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee magaalada Kismaayo ayaa maanta xukunka dhaqan-galka ah ee ku fulisay Xasan Cabdullaahi.

“Si waafaqsan aayadda Qur’aanka ah ee Suratu Baqrah 178-aad ee Ilaahay ku yidhi ‘Rabi wuxuu farad ka dhigay dadka dadka laaya in iyagana la qisaaso oo qisaas lagu fuliyo’ taas inaga oo cuskanayna waxaa halkaan u taaganahay in qisaasta laga oogo Xasan.”

Ninkan ayaa maxkamadeyntiisa soo socotay billo, ayada oo la horgeeyey maxkamadda darajada koowaad ee magaalada Kismaayo isaga oo qiranaya inuu si ku tala-gal ah u dilay hooyadiis, taasi oo fajaciso noqotay.

Xasan ayaa markaas waxa uu maxkamadda ka hor caddeeyey inuu miyir qabay oo wax xanuun ah uusan dareemeyn, markii uu Hooyadiis kula kacay falkaas.

Xasan ayaa la sheegay in Hooyadiis AUN ay dalka ku soo celisay kadib markii uu qurbaha ku dhaqan doorsoomay, wuxuuna ugu dambeyn ku dilay magaalada Kismaayo oo dhaqan celin ay u keentay.

Si kastaba, Kiiskaan oo ahaa mid argagax ku abuuray dadka reer Kismaayo ayaa ugu dambeyn maanta lasoo gaba-gabeeyay, maadaama maanta xadkii qisaasta laga oofiyay Xasan Cabdullaahi.q

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA