Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Mareykanka, UK iyo Faransiiska oo burburiyay diyaarado weeraro lagu fulinayay

isniin-11-March,-2024-{HMC} Ciidamada Maraykanka, Faransiiska iyo UK ayaa xalay iyo Sabtidii kusoo riday Badda Cas tobannaan diyaaradaha drones-ka ah, kadib markii Xuutiyiinta xulafada la ah Iran ay beegsadeen markabka xamuulka qaada ee Propel Fortune iyo maraakiibta dagaalka Maraykanka ee gobolka, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay militariga Maraykanka.

Xuuthiyiinta ayaa tan iyo bishii November weerarro ku qaaday maraakiibta mara badda cas iyo gacanka cadmeed, taasoo ay ku sheegeen olole ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta intii uu socday dagaalka ay Israel kula jirto Xamaas ee Gaza.

Afhayeenka milateriga ee kooxda Xuutiyiinta, Yahya Sarea, oo Sabtidii khudbad ka jeediyay taleefishinka ayaa sheegay inay 37 diyaaradood ku bartilmaameedsadeen markabka xamuulka ah iyo “tiro ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ee ku sugan badda cas iyo gacanka Cadmeed.”

Ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbaheysiga ayaa soo riday ugu yaraan 28 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo dul heehaabayay badda cas saacadihii hore ee Sabtida, sida uu sheegay taliska dhexe ee Mareykanka ee CENTCOM.

“Ma jirto wax khasaare ah oo soo gaaray maraakiibta Mareykanka iyo kuwa isbaheysiga ee weerarkan, mana jiraan wararka sheegaya in waxyeello soo gaartay maraakiibta ganacsiga,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska dhexe ee Mareykanka.

Horraantii Sabtidii, Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in milatarigu uu ka jawaabayay weerar ballaaran oo lagu qaaday maraakiib marayay badda cas iyo gacanka cadmeed intii u dhaxeysay 4-tii ilaa 6:30 subaxnimo.

Markab iyo diyaaradaha dagaalka ee Faransiiska ayaa sidoo kale soo riday afar diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, kuwaas oo ku sii siqayay maraakiibta badda ee howlgalka Yurub ee Aspides ee gobolka, sida lagu yiri war kasoo baxay ciidamada Faransiiska.

Wasaaradda Difaaca ee Britain ayaa sheegtay in markabkeeda dagaalka ee HMS Richmond uu ku biiray xulafada caalamiga ah si ay isaga caabbiyaan weerar ay habeen hore soo qaadeen Xuutiyiintu, iyadoo sheegtay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA