Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaale oo amarro culus dul dhigay ganacsatada magaalada muqdisho kuwaas oo ku aadan bisha Ramadaan

isniin-11-March,-2024-{HMC} Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo shir jaraa’id qabtay ayaa soo saaray amaro ku socda shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku aadan bisha Ramadaan iyo hab-dhaqanka bulshada.

Guddoomiye Madaale ayaa amar ku bixiyey in maqaayadaha ku yaalla Muqdisho aan la furi karin maalintii inta lagu guda jiro bisha Ramadaan, isagoo ciidamada booliska faray inay si adag ula dagaalamaan masoomeyaasha.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xafladaha iyo aroosyada, wuxuuna sheegay in habeenkii wixii ka dambeeya 12:00 am aysan sii furaa karin hoteelada lagu dhigo aroosyada.

“Laga bilaabo maanta, hoteellada lagu dhigo arrosyada inay sii furaadaan 12:00 am wixii ka dambeeya waa mamnuuc, amarkaasi wuxuu sii jirayaa ilaa inta aan joogno,” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay xoolaha lagu soo dhex daayo magaalada, isagoo digniin kama dambeys ah u diray dadka iska leh xoolaha dhex jooga caasimadda.

“Muwaadin xoolahaaga ama meel ku xareyso ama baadiyo geyso, laakiin maanta kadib ma ogolaa karno inay laamiyada noo jiiftaan, hadii aad cesha weysaan u dul qaata hadhow go’aanka aan ka gaari doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Madaale.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa ka hadlay maan-dooriyaha isagoo sheegay in tukaankii lagu dhex arko daroogo uu burburi doono maamulka gobolka Banaadir.

“Daroogada iyo kalaabyada lagu tunto inay magaaladaan ka sii jiraan aad ayaan u diidanahay,” ayuu yiri duqa Muqdisho oo ka sheekeeyey waxyaabo uu soo arkay habeen uu tegay hoteelada lagu tunto ee Muqdisho ku yaalla.

“Habeen ayaa Hotelka Boosh ugu galay qof qaawan oo wax dhar ah aan waday, wiilashii ila socday ayaa damcay inay sawiraan, waan ka celiyey oo lama sawirin, masuulkii inta meel soo istaaga dadkaas difaaca, muxuu ku difaacayaa, ma ogyahay horta waxa meesha ka socda?” Ayuu yiri guddoomiye Madaale.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA