Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo xanibaad ku soo rogay shirkaddo lala xiriiriyey in ay la shaqeeyan kooxda AS

isniin-11-March,-2024-{HMC} Wasaaradda lacagta ee Maraykanka, xafiiskeeda Maamulka Hantida Dibedda ayaa ku dhowaaqay in cunaqabatayn lagu soo rogay 16 shirkadood iyo ashkhaas ka hawlgala shabakado ganacsi oo ku fidsan Geeska Africa, dalka Isutaga Imaaraat-ka Carabta iyo jasiiradda Qubrus, kuwaasi oo dawladda Marayanku ku eedaynayso inay lacago u ururiyeen, una kala gudbiyaan ururka AS oo ah koox xiriir la leh Al-Qaaciida.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Lacagta ayaa lagu sheegay in dadka ku jira shabakadani ay ku jiraan ganacsato saamayn leh oo ku sugan gobolka, kuwaasi oo taageero maaliyadeed siiya AS, oo ah koox argagixiso oo mas’uul ka ah qaar ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee ka dhaca Bariga Africa, kuwaasi oo ay ku dhinteen sida warkan lagu sheegay kumanaan qof oo ah dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Maraykanka ayaa sheegay in AS sannadkiiba urursato in ka badan $100 milyan oo dollar oo ay baad ahaan uga qaaddo ganacsatada gudaha iyo shaqsiyaad, lacagtaas oo lagu eedeeyey inay AS la wadaagto laamaha kale ee ururka Al-Qaacida ee ku kala sugan dunida.

Sidoo kale war-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in tallaabada laga qaaday dadkan iyo shirkadahani loo cuskaday xeerka qaabilsan kooxaha argagixisada iyo kuwa wax u fududeeyaba, iyadoo sidoo kale lagu xusay magacyada shirkadaha iyo waliba dadka cunoqabatayntan lagu soo rogay.

Marayanku waxa uu sheegay in shirkadaha uu bartilmaameedsaday ay ku jirto mid fadhigeedu yahay Dubai, dalka Imaaraadka Carabta oo lacagaha gudbintooda u fududaysa AS, oo ku tiirsan hoggaanka shirkadda iyo laamaheeda oo xafiisyada hoos yimaada uu Marayanku sheegaay inay ku kala sugan yihiin Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Qubrus si ay lacago ugu ururiyaan uguna gudbiyaan AS.

Marayanka ayaa sheegay in tallaabadan Wasaaradda Lacagtu qaadday darteed in dhammaan hantida iyo danaha ay leeyihiin shirkadaha iyo shaqsiyaadka la bartilmaameedsaday oo la magacaabay ay ku leeyihiin Marayakanka ama ku jirta gacanta dad Marayakn ah la xayiri doono.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA