Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Marwo Faadumo Cabdi Cali oo aheyd Ku-xigeenkii Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska RW Soomaaliya, oo Qoraal Soosaartay.

isniin-11-March,-2024-{HMC}  Marwo Faadumo Cabdi Cali oo aheyd Ku-xigeenkii Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, uuna dhawaan xilka qaaday ra’iisul wasaare Xamza ayaa maanta soo saartay qoraal.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan waxa uu Cabdirisaaq Cali Ibraahim u magacaabay inuu noqdo ku-xigeenka xoghayaha joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Marwo Faadumo ayaa muddo saddex sano iyo bar ah ka shaqeynaysay xafiiska ra’iisul wasaaraha, ayada oo lasoo shaqeysay ra’iisul wasaarayaashii kala dambeeyay.

“Waxaan si mug iyo miisaan leh ugu mahad-celinayaa mas’uuliyiinta aan sida kalsoonida leh usoo wadashaqaynay ee uu ugu horreeyo ra’iisul wasaaraha xukuumadda JFS Mudane Xamza Cabdi Barre iyo ra’iisul wasaarihii hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble,” ayey ku tiri qoraalka ay soo saartay ku-xigeenkii hore ee xoghayaha joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxay ku boorisay dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh in ay gabdhuhu qayb lixaad leh ka noqdaan heerarka maamulka dhexe iyo sare ee xafiisyada dowladda.

Waxaa sharaf ii ahayd in aan saddex sano iyo bar u helay fursad aan ugu adeego qaranka gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha (OPM Somalia).

Marxalado, Madax qaran iyo Xukuumado kala duwan, mas’uuliyaddu waa hirgalinta ahdaafta Xukuumadda iyo u adeegista ummadda.

Waxaan si mug iyo miisaan leh ugu mahadcelinayaa mas’uuliyiinta aan sida kalsoonida leh usoo wadashaqaynay ee uu ugu horreeyo RW Xukuumadda JFS Mudane Hamza Abdi Barre, Ra’iisul Wasaarihii hore Mudane Mohamed Hussein Roble, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenada Mudane Salah Jama iyo Mudane Mahdi M. Gulaid, Wasiir Dowlayaasha Mudane Hirsi Gani iyo Mudane Abdihakim Ashkir, Dhammaan Xoghayayaashii hore iyo Xoghayaha hadda jooga, Agaasimayaasha, La-taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada XRW, dhammaan shaqaalaha iyo hawlwadeenada kala duwan ee XRW iyo guud ahaan Xukuumadda.

Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa gabdhaha Xafiiska RW oo si hagar la’aan iyo hoggaamin leh iila shaqeeyay. Waxaan u rajeenayaa in gabdhuhu qayb lixaad leh ka noqdaan heerarka maamulka dhexe iyo sare ee Xafiisyada Dowladda.

Guul ayaan u rajeenayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Hoggaaminta RW Hamza Abdi Barre iyo guud ahaan Xukuumadda Dan Qaran.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA