Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Waa kuma Jeneral Birhanu Jula , taliyaha ciidanka Itoobiya ee sheegay in shacabka Soomaaliyeed jecel yihiin ciidankiisa?

isniin-11-March,-2024-{HMC} Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya, Jeneral Birhanu Jula Gelalcha oo la hadlayey warbaahinta ETV ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dalkiisu ay qayb ka yihiin kuwa masuulka ka ah amniga Soomaaliya xilli labada dal ay u dhaxayso xiisad ka dhalatay heshiiskii MoU ee ay Addis Ababa ku gaareen Itoobiya iyo Jamhuuriyada iskeed madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Jeneral Birhanu Jula Gelalcha ayaa xusay in wax ka badan kala bar dhulka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan amnigiisa ciidamada Itoobiya, islamarkaana ciidankooda uu qeyb weyn ka yahay nabadeynta Soomaaliya. “Ciidankii Itoobiya waa kuwii Muqdisho qabtay ” ayuu ku yiri waryasiga uu bixiyey.

Waxa uu sheegay in siyaasiyiintu aysan muujin xushmad la mid ah tan shacaka Soomaaliyeed u muujiyeen ciidamada Itoobiya ee gudaha u galay Soomaaliya.

Dhul intee la eg ayay Ciidama Itoobiya kaga sugan yihiin Soomaaliya?

Sida uu BBCda u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo, ciidamada Itoobiya ayaa Soomaaliya kaga sugan ilaa afar gobol oo ay fariisimo ku leeyihiin.

Qayb ka mida ciidamadaas waxay Soomaaliya kaga howlgalaan magacaa ‘ATMIS’, balse waxaa jira kuwa kale oo aan ku hawlgalin magacaas oo ku sugan gudaha dalka.

Gobolka Gado ayaa ah halka ugu badan ee ay ciidamada Itoobiya kaga sugan yihiin Soomaaliya kuwaas oo joogitaankoodu ku xoogan yahay degmada Doolow.

Sarkaalka la hadlay BBC-da ayaa xusay ‘‘in Gado kaliya ay ciidamada Itoobiya ka joogaan ilaa labaatan kun oo askari kuwaas oo qayb badan oo ka mida aysan ku joogin magaca ATMIS”.

Wuxuu intaa ku daray in degmooyinka Doolow, Garbahaaray, Baardheere,Luuq iyo Buurdhuubo ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin fariisimo ciidan, qaarkoodna aysan ka tirsanayn hawlgalka ATMIS.

Gobolka Hiiraan ayey ciidada Itoobiya kaga sugan yihiin degmada Maxaas, Halgan iyo Kalabayr, halka gobolada Baay iyo Bakool ayey ka joogaan Qansax-dheere, Baydhabo, Diinsoor, Xudur iyo Yeed.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in badidood ciidamadaan ay isku ilaaliyaan xeryaha ay ku sugan yihiin, balse aysan jirin amni magaalooyin oo ay gacanta ku hayaan.

Waa kuma Jeneral Birhanu Jula Gelalcha

Jeneral Birhanu Jula Gelalcha, wuxuu ku dhashay deeganka Arsi ee dhulka Oromiya sanadkii 1965-tii, wuxuu ka mid noqday ciidamada Itoobiya walow si rasmi ah aan loo ogoyn xiliga uu ku biiray ciidamada.

Shahaadada kowaad ee jaamacada ayuu Jeneral Birhanu Jula ka qaatay jaamacada Alpha ee, halka qaybta labaad ee shahaada uu ka qaatay jaamacad Greenwich, labaduna waxay ku yaalaan magaalada Addis Ababa.

Birhanu, wuxuu door fiican ka qaatay hogaaminta ciidamada Qaramada Midoobay ka hor inta an loo dhiibin ciidanka Itoobiya.

Dhamaadkii sanadkii 2014-kii ilaa bilowgii 2016-kii ayuu qabtay xilka taliyaha ciidanka howlgalka Qaramada Midoobay ee ‘UNISFA’ ee ku sugan deeganka Abyei, kaas oo u xilsaran nabad ilaalinta Sudan iyo Koonfurta Sudan.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyay hawlgalkaas uu madaxda ka noqday 27 kii Juun ee sanadkii 2011-kii, ka dib markii uu ka qarxay iskahorimaadkii Koonfurta Kordofan horaantii Juun ee 2011-kii.

Maadaama ciidamada Itoobiya ay yihiin kuwa ugu badan howlgalka Qaramada Midoobay ee ‘UNISFA’ ayaa Jeneraalkan Itoobiyanka laga dhigay taliyaha ciidamadaasi.

Wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyey hawlgalka Qaramada Midoobay ee Laybeeriya, waxaana uu soo qabtay xilka Taliye qaybeed, sidaas oo kale wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka iyo wasaaradda gaashaandhigga Itoobiya.

Sanadihii 2006-dii ilaa 2009-kii, waxa uu ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga qaybta dhexe ee Itoobiya, halka Sannadkii 2010-kii, Birhanu loo magacaabay Taliyaha Qaybta Galbeed ee Ciidanka Itoobiya.

Jeneral Birhanu waxa sanadkii 2022-kii loo dalacsiiyey darajada Field Marashal oo ah mida ugu saraysa ciidamada taas oo ay si wadajir ah darajada u siiyeen Ra’iisul wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Sahle-Work Zewde

Dhamaadkii sanadkii 2022-kii ayaa loo magacaabay Jeneral Birhanu taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, ka dib xilal kala bedddelid uu ciidamada ku sameeyey Ra’iisul wasaare Abiy Axmed

Ninkan ayaa sidoo kale sheegeen hay’adaha xquuqda aadanaha in uu kaalin ku lahaa hogaaminta dagaaladii gudaha Itoobiya sida gobolada Amxaarada iyo Tigreega.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA