spot_imgspot_imgspot_img

Booliiska dalka Kenya oo baadigoob ugu jira nin iska dhigi jiray qareen

Talaado-12-March,-2024-{HMC}  Maxkamad kutaalla dalka Kenya ayaa waaran soo qabasho ah u jartay nin lagu eedeeyay in uu iska dhigi jiray qareen , isaga oon aheyn qareen sidoo kale aan heysan shahaadada laga rabo dadka noqda qareenka

 

Ururka qareennada ee Law Society of Kenya {LSK} ayaa sheegay in ninkan booliiska baadigoobayaan uu iska dhigay qareen , isaga oon u qalmin in uu noqdo qareen ama aan heysanba sharciyad

 

Saraakiisha dhinaca sharciga u qaabilsan dowladda Kenya ayaa ku booriyay ciidamada booliiska in ay soo qabtaan ninkan oo ku shaqeysanayay magaca beenta ah uu leeyahay qareen kale “Brian Mwenda”

 

Ninkan Kenyanka ah ee booliiska raadinayaan ayaa lagu sheegay in uu yahay nin iska dhige qareen “Masquerade”, waxaana ninkan lagu eedeeyay in uu xaday aqoonsiga qareenka dhabta ah, oo lagu magacaabo Brian Mwenda Ntwiga.

WARARKA