Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada ATMIS oo ka Guuray Xarumaha dowlada ee Baladweyne

Talaado-12-March,-2024-{HMC}  Ciidamada ATMIS Gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa iskaga guuray manta Guud ahaan Xerada Lama-galaay oo mudo 14 sano ka badan ay daganaayeen xerada. Sababta ugu weyn ee ugu guureyn Xerada ayaa ah is qab qabsiga Maamul ee ka jiro Magaalada Baladweyne.

Ciidamadan ayaa si gaar ah u ilaalin jiray Xarumaha Dowlada ee ku yaalla Xerada, Gaar ahaan Xarunta Maamulka Gobolka, Kan Degmada, Maxkamadaha iyo kuwa kale oo ku yaallay xerada lama-galaay.

Xerada Lama-galay waxaa Hada ku sugan Ciidamo kala Taabacsan Maamulka Hirshabeelle, Kuwa Hiiraan State ah iy Kuwa Xooga dalka Soomaaliya ah. Xiisad aad u Culus ayaa manta ka jirto Xerada.

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cabdullaahi axmed Maalin Sufuroow iyo Ciidamo uu hogaaminayo ayaa manta laga hor-istaagay in ay galaan Xerada Lama-galaay, halkaasi oo saldhig ay ku leeyahiin Ciidamo taabacsan kuwa Hiiraan State ah.

Ilo ku dhow Ciidamada Jabuuti ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada Amaanka Xerada lama-galaay Sugayay ay ku Jah-wereereyn Ciidamada Deegaanka ee Macawisleeyda loo yaqaano oo Xerada Buux dhaafiyay bilahii ugu dambeeyay kuwaas oo wato Hub aad u Culus, taasi oo Amaan daro darted sababtay in ugu dambeeyn ay ka guuraan xeradaasi,

Amaanka Magaalada Baladweyne ayaa aad u xumaaday Mudooyinkii dambo waxaana Magaalada Buux dhaafiyay Maleeshiyo Hubeeysan oo ay siyaasiinta Maamulka Hirshabeelle kasoo Horjeedo ay wataan.

Xaalada Magaalada waxaa ay noqotay mid Dayac Maamul uu ka jiro . Maamulka Hirshabeelle ayaa ku guul-dareeystay in ay Xaliyaan Mucaaradka Cusub ee Baladweyne ka abuurmay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA