Friday, July 19, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Aadan Madoobe oo kulan la qaatay wakiilada beesha caalamka

Talaado-12-March,-2024-{HMC} Guddoomiyaha golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur {Madoobe} ayaa kulan la qaatay wakiilada beesha caalamka ee ka howlgala Soomaaliya oo uu hoggaaminaayo Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee {QM} Soomaaliya Raisedon Zenenga.

Shirka ayaa looga hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan xoojinta ammaanka iyo la-dagaallanka Kooxaha Khawaariijta ah, iyadoo shirka muhiimadiisa inta badan xooga lagu saaray wax-ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dalka oo maraya cutubkiisa afaraad.

Wakiillada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay hannaanka dib u eegista dastuurka iyo in dalka uu yeesho dastuur rasmi ah oo sugaya afti dadweyne, xilli Baarlamaanka ka doodayo wax ka bedelka Dastuurka.

Beesha Caalamka ayaana Baarlamaanka Soomaaliyeed waxa ay ku taageereen dadaalka xoogan ee ay ugu jiraan wax ka bedelka Dastuurka iyo in dalka uu yeesho sharci hagaya dalka, dadka iyo dowladda .

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.07.2024}

Khamiis 18 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Khaliif Abdi Farsamadii ::Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

Khamiis 18 July 2024 {HMC}  Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA.

WARARKA