Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Galmudug oo mar kale ku dhawaaqday dagaal cusub oo ka dhan ah kooxda AS

Talaado-12-March,-2024-{HMC} Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Mudane Ali Dahir Eid oo Shir gudomiyay shir deg deg ah oo looga hadlayay amniga Galmudug, waxaana shirkan Warbixino kala duwan ka dhagaystay saraakiisha kala duwan hay’addaha amniga Galmudug iyo ATMIS.

Shirka ayaa intii uu socday looga hadlay dardar-galinta howlgalada ka dhanka ah kooxda AS ee ka socda deegaanno iyo degmooyin katirsan Galmudug iyo sare u qaadida amniga magaaloyinka Galmudug.

Cali Ciid ayaa saraakiisha iyo ciidamada uga mahadceliyey dadaalkooda naf hurnimada leh ee ay ugu jiraan bad-baadinta nafta iyo maalka Shacabka Soomaaliyeed, waxaana u faray u diyaar garoobaan howlgalo baaxad weyn oo ka bilaabanaya Galmudug.

Shirkan ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka kasoo baxeen deegaanada Caad, Camaara iyo Bacaadweyn oo horey AS looga saaray dagaallo dhiig badan ku daateen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA