Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kooxda AS oo dib ula wareegtay magaalooyin muhiim ah iyo howlgalkii xoreynta oo ku dhaw in uu fashilmo

Talaado-12-March,-2024-{HMC} Ciidamada xoogga dalka, daraawiishta Galmudug iyo xoogaggii dib u xoreynta shacabka ayaa isaga baxay dhulkii ragga badan ay ku shahiideen ee laga xoreeyey kooxda AS ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan degmooyinka Camaara iyo Bacaadweyne.

Xaaladdaan ayaa gilgishay halgankii dalka looga xoreynayey AS ee labada sano soo socday, waxayna dad badan ka niyad jabeen sida ay wax u socdaan, eedda ugu badan waxay dul hoganeysaa taliska ciidanka xoogga dalka.

Maanta furinta ugu dambeysa ee askari Soomaaliyeed uu difaac uga jiro waa degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Wisil ee gobolka Mudug, ciidan u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dhawaan la geeyey halkaas iyo guutada Abuu-dujaana ayaa baneeyey deegaanadaas.

Shalay waxaa la sheegay in sarkaal muhiim ay ciidankaasi isaga dileen gudaha degmada Baxdo, habeeno ka hor sidaas oo kale taliye urur oo aad looga jeclaa gudaha ciidanka xoogga ayey askartiisii oo baxsad ka ah furimaha dagaalka ku toogteen duleedka Camaara.

Siyaasiyiinta reer Galmudug ayaa isku eedeynaya qorshaha bixitaanka ciidamada soo baneeyey furimihii dagaalka ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaano muhiim ah oo waqti badan iyo dhiigga rag qaali ah lagu bixiyey sidii loo xoreyn lahaa.

Halgankii ka socday Galmudug ayaa u muuqda mid u dhamaaday olole doorasho, koox taageersan Taliyaha NISA Mahad Salaad oo madaxweynaha Galmudug u hanqal taagaya ayaa Madaxweyne Qoor Qoor ku eedeyneysa inuu ka dambeeyo bixitaanka ciidanka, iyagoo sheegaya in madaxweynuhu uu ka shaqeynayo in lasoo baneeyo deegaano hor leh.

Koox kale oo taageersan Qoor Qoor ayaa buun buuninaya war sheegaya in Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uu ku wajahan yahay deegaanada ay joogaan ciidankii ka soo baxay furimaha dagaalka, si khilaafaadka jira uu u xaliyo, ciidankana ugu celiyo deegaanada ay ka soo baxeen.

Halgankii wadanka looga xoreynayey AS ayaa fashil ku dhow, Mudug waa soo faarujiyeen ciidamadii hor taagnaa cadowga, halka cabsi badan laga qabo in laga soo baxo deegaano hor leh oo Ceeldheer, Ruunirgood, Daarunicma iyo Al-kowthar ay ku jiraan.

Dhibaatada ugu badan waxay maanta dalka ka heysataa wasaaradda gaashaandhigga, khilaaf sababay musiibada soo wajahday howlgalkii xoreynta wadanka ayaa ka dhaxeeya wasiirka iyo taliyaha xoogga, waxayna u muuqdaan rag meel iska dhigay howshii ay masuulka uga ahaayeen umadda Soomaaliyeed.

AS waxay soo galeen oo si nabad ah kubqabsadeen deegaanada Caad, Shabeelow, Camaara iyo Bacaadweyne, dadkii ku noolaa dhulkaas ee ka qeyb qaatay soo nooleynta magaalooyinkooda, markii laga dul qaaday AS ku dhowaad sanad ka hor ayaa isaga cararay guryahooda, iyagoo cabsi ka qaba ciqaabta iyo arxan-darrada AS.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA