Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Somaliland oo dalab u dirtay caalamka xilli ay taagan tahay xiisada badda.

Talaado-12-March,-2024-{HMC} Xukuumadda Somaliland oo war cusub kasoo saartay xasaradaha haatan ka jira badda cas ayaa dalab culus u dirtay dalalka reer galbeedka, kaas oo la xiriira wax ka qabashada xaaladaha adag ee ka jira Badda Cas iyo sidoo kale Gacanka Cadmeed.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa ugu baaqay dowladaha reer galbeedka in xal u helida xiisadda ka taagan Badda Cas ay kala tashadaan Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) ayaa shaaca ka qaaday in xiisadda taagan aan lagu xallin karin gantaallo iyo duqeymo, balse loo baahan yahay in lala tashado dadka aqoonta u leh oo ay kamid tahay Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay muhiim tahay in daacad laga noqdo xalka dhalintada xaaladda cakiran ee Gacanka Cadmeed.

Dawladaha reer galbeedku ma keenaan xal, isla markaana lama tashadaan dadka aqoonta u leh xaaladda. Sidoo kale mararka qaarkood way uga sii daraan xaaladdu siday ahayd markii hore.

Xiisadaha iyo xasaradaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed laguma furdaamin karo duqaymaha gantaallo lagu bar tilmaameedsado meelo si aan kala sooc lahayn.

Dalalka la jaarka ah badda cas oo ay ka mid tahay Jamhuuriyadda Somaliland waa in lagala tashadaa; haddii daacad laga yahay xal ka dhallinta xasaradaha gacanka cadmeed iyo badda cas.”

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA