Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Kooxda Arsenal oo 14 sano kadib u soo baxday wareegga siddeedda ee Champions League-ga

Arbaco 13 March, 2024 {HMC} Kooxda Arsenal ayaa xalay rigoorayaal ku garaacday kooxda FC Porto si ay u gaarto wareega siddeedda ee Champions League markii ugu horeysay tan iyo sannadkii 2010.

Kulanka ayaa ahaa mid ay Arsenal u baahantahay in ay ciyaarta ku soo laabato ciyaarta kadib markii laga badiyay kulankii hore.

Celcelis labadii kulan ee kooxahan ayaa noqday 1-1, kadib markii Arsenal ay heshay gool barbar dhac ah.

Leandro Trossard ayaa qeybtii hore ee ciyaarta Arsenal u dhaliyey gool 1-0 ay Arsenal ku badisay lugtii labaad garoonka Emirates kadib guuldaradii ka soo gaartay Portugal.

Markii rigooraha la aaday ayaa Arsenal ku badisay 4-2, iyada oo goolhayaha Arsenal David Raya uu badbaadiyay laba rigoore, isaga oo Arsenal geeyay wareegga siddeedda.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA