Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dortmund iyo Atletico Madrid u soo baxay wareegga siddedda ee Champions League

Khamiis 14 March, 2024 {HMC} MADRID — Kooxda Atletico Madrid ayaa u soo baxday wareegga siddeedda ee koobka Champions Leaguge, kadib markii ay rigooreyaal 3-2 ay uga badisay kooxda Inter Milan oo sanadkii hore gaartay kama dambeysta koobkan.

Ciyaar xiisa badneyd oo ka tirsan wareegga 16-ka ayaa celcelis ahaan kusoo idlaatay bar-bar dhac 2-2 ah, taas oo sababtay in la aado kala reebta rigooreyaasha.

Goolhayaha Atletico Madrid Jan Oblak ayaa noqday halyey kooxdiisa keenay wareeggan, kadib markii uu laba rigoore ka qabtay Alexis Sanchez iyo Davy Klaassen, halka Lautaro Martinez uu cirka u diray rigoorihii uu laaday.

Dhinaca kale, Jadon Sancho iyo Marco Reus ayaa kooxdooda Borussia Dortmund keenay wareegga siddeedda, kadib markii ay Dortmund 2-0 kaga badisay PSV Eindhoven.

Goolka Sancho ayaa ahaa kiisii labaad ee uu dhaliyay laba kulan kadib markii uu bishii January amaah ugu soo laabtay Dortmund kadib markii uu boos ka waayay tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA