Saturday, May 18, 2024
spot_imgspot_img

Guddomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo Ka Hadlay Dagaalka Baledweyne ka socdo.

Khamiis 14 March, 2024 {HMC} Waxaa xalay dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidamo daacad u ah maamulka Hirshabelle iyo ciidamo kale oo taabacsan maamulka Hiiraan State ka qarxay magaalada Baladweyne, dagaalka ayaana dhaliyay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Guddomiyihii hore ee gobolka Hiiraan haddana ah u qeybsanaha madaxweynaha Soomaaliya ee ciidamada macawuusleyda Cali Jeyte Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa dagaalka ku eedeeyay in masuul ka yihiin maamulka Hirshabelle.

Cali Jeyte ayaa sheegay in ciidamo laga soo abaabulay kana yimid magaalada Jowhar weerar kusoo qaadeen magaalada Baladweyne, waxa uuna xusay in dagaalka dhaliyay khasaarooyin dhimasho ,dhaawac iyo kuwa hantiyadeed.

Waxa uu sheegay Cali Jeyte in rasaasta lagu ridayo magaalada Baladweyne laguna weeraray in ay tahay tii dowladda Soomaaliya laheyd, isagoona tilmaamay in ay la’yihiin rasaas ay Al Shabaab kula dagaallamaan , tii dowladdana Baladweyne lagu ridayo.

Guddoomiye hore Cali Jeyte ayaana sheegay in heshiiskii ay horey ula galeen Maxaas madaxweyne Xasan Sheekh dhankooda ilaaliyeen , balse dhinaca kale ay ka baxeen, isagoona caddeeeyay in ballantii ay dhowreen dhinaca kale jabiyeen .

Hadalkan kasoo yeeray guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya xilli dagaal saacado badan qaatay uu ka socdo magaalada Baladweyne, kaa oo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Hirshabelle iyo Hiiraab State.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 18-05-2024

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) – Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdimajiid...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024.

Sabti, May, 18, 2024 (HMC) –  Wararka ugu Waa Weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraan 18-05-2024. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/6ZdYxaTqeSk

WARARKA